Kooxo hubeysan ayaa Degmadda Waabari ee Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Gudoomiye Laameed ka tirsanaa degmadaaas.
Dilka ayaa waxaa geystay Kooxo hubeysan oo la sheegay in ay saarnaayeen Mooto Bajaaj.
Dhanka kale Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday sida ay Xaqiijiyeen dadka deegaanka Waabari.
Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa halkaasi gaaray,mana jirto cid loo qabtay dilka loo geystay Mas’uulka.
Magaaladda Muqdisho waxa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee loo geysto dadka dowladda u shaqeeya ama xiriirka la leh.

