C/raxmaan C/shakuur Warsame oo La Horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir

0

Maxkamadda Gobolka banaadir degmada Xamarweyne, ee magaalada Muqdisho waxaa galabta la horgeeyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame kaasi oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeeysay  Qaran Dumis.

Xeer ilaalinta ayaa dacwad ku soo oogtay siyaasiga iyadoo maxkamadda ka codsatay in muddo kordhin loo sameeyo si ay u soo dhameystirto baaritaanka ay ku heyso kiisaska lagu heysto siyaasiga.

Maxkamadda ayaa dhageysatay codsiga xeer ilaalinta iyo qareenkii difaacayay maxbuuska, waxaana dood kadib ay go’aamisay in muddo 24 saacadood ah ay xeer ilaalintu ku keento caddeymaha eedaha Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, dibna la isugu soo laabto mar kale.

Sidoo kale Xeer ilaalinta  ayaa doonaysay in la siiyo muddo 5 maalmood ah, taasoo aan dhicin,waxaa kaloo socon weyday in damiin lagu sii daayo C/raxmaan.

Eedaha ay soo jeedisay xeer ilaalinta ayaa ahaa kuwo aan dhameystirneyn, waxayna maxkamadda maanta u tageen in waqti dheeraad ah ay helaan.

Sidoo kale Maxkamaddu waxay ku qanci weyday eedeymo xeer ilaalinta soo jeedisay oo ahaa kuwo aan dhameystirneyn, sida qiyaamo qaran, inqilaab iyo kuwo kale

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here