War Deg Deg Ah:- Sacuudiga oo ka Hor-tagay Gantaal ku Sii Socday Riyaadh

0

Isbeheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jiro kooxda Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga Boqortooyada Sacuudiga.

Ilo dadka deegaanka oo ku sugan caasimadda dhulka xarameynka ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.

Mucaaradka Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here