Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan ku sugan xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed , isagoo kala hadlaya xaalado kala duwan oo ku saabsan arrimaha ciidamada dowladda.
Amaanka Magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xirey qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho.
Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku soo aaday, maalmo kaddib markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday iney joojisay gargaarkii ay siin jirtay Ciidamada, kaddib musuq maasuq hareeyay.
Madaxda Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan isla xisaabtan,islamarkaana Dowladda Mareykanka ay iyaga ka codsadeen in la hakiyo dhaqaalihii la siin jirey Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliya.

