Ciidamada Dowladda oo Saakay Xiray Qaar Kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho

0

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ayaa xiray saakay qaar kamid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Ciidamada ayaa xiray isgoyska Soobe iyo Wadooyin kale oo ka agdhaw,waxaana laga celinayaa Gaadiidkii isticmaali jiray Wadooyinkaasi.

Dadka ayaa ku lugeynaya Wadooyinkaasi u xiran Ciidamada dowladda Soomaliya, waxaana kaliya ay diidayaan in ay isticmaalaan Gaadiidka.

Ciidamada Dowladda ayaa inta badan Wadooyinka Magaaldda Muqdisho xira xiliyada ay Howlgalada ka wadaan iyo Marka ay Madaxda Dowladda isticmaalayaan.

Dhanka kale waxaa saakay xiran wadooyinka ka agdhaw Garoonka Diyaaradaha illaa isgoyska Taleex.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Dowladda ay wadooyinkaas  u xireen howlgalo ay ka wadaa qeybo kamid Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here