Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa ugu sareeya Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR Filippo Grandi .
Booqashada madaxa UNHCR Filippo Grandi ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Soomaliya ku yimaado, waxaana wehliya Maxamed Cabdi Afeey oo ah Ergeyga gaarka ee UNCHR u qaabilsan Geeska Africa.
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqidsho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho oo uu horkacayo wakiilka UN-ka ee Soomaaliya Micheal Keating.






