Xalay Saqdii dhexe Kooxo hubeysan ayaa ku dhex gowracay hoygiisa wiil dhalinyaro ahaa Xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Wiilka la gowracay ayaa lagu magacaabi jirey Alle ha u naxariistee Axmed C/lle Axmed oo kamid ahaa dhalinyaro maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa Xuska dhalashada Nabi Maxamed NNKH.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay Marxuumka la gowracay si weyn loogu yaqaanay Degmadda Hodan islamarkaana uu ka tirsanaa Culumada raacata barashada Cilmiga diiniga.
Meydka Marxuumka la gowracay ayaa loo qaaday Xarunta dambi baarista ee Booliska Soomaaliya “CID” waxaana ku socda baaritaano la xariira falkaan dhacay sida uu inoo xaqiijiyay qofka kamidka ah dadka deegaanka.
Maalmihii dambe waxaa guud ahaan dalka Soomaliya iyo caalamka laga xusayay Dhalashada Nabi Maxamed NNKH.

