Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa gaaray Soomalidii ugu badnayd ee Colaada dalka Yemen kasoo qaxda
Dad tiradooda lagu qiyaasay 210-qof oo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Dekadda Magaaladda Boosaaso,iyadoo durbadii la siiyay gargaar caafimaad.
Dadkan soo qaxay waxa si ku meel gaar ah loo dejiyey xerada qaabilaada dadka qaaxootiga ah oo ay gacanta ku hayso wasaarada Arimaha Gudaha ee Puntland ee ku taal qaybteeda magalada Boossaaso ee Gobolka Bari.
Dalka Yemen ayaa waxa ka socda dagaalo aan kala joogsi lahayn,kuwaas oo u dhaxeeya Kooxo isku haya Xukunka dalka Yemen,iyadoona Asbuucii hore la dilay Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.






