Ciidamada KGS iyo Kuwa Muqtaar Roobow oo Dhaq-dhaqaaq Kawada Deegaanka Abal

0

Wararka idaacada Simba kasoo gaaraya gobalka baay ayaa ku waramaya in maanta halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan maleeshiyaad daacad u ah wadaadka muqtaar roobow iyo ciidamo katirsan kuwa maamulka koonfur Galbeed Somaaliya oo shalay dagaal xoogan ku qaaday fariisimo ay ku sugnayeen Xoogag ka tirsan Al-shabaabka ka dagaalama gobalkaasi.

Ilo dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay iney arkayaan ciidamo huwan ah oo ka kala socda maamulka koonfur galbeed iyo ciidamo daacad u ah wadaadka muqtaar roobow iyo cutubyo katirsan ciidamada melatariga dowlad itoopiya oo soo gaaray shalay duleedka deegaanka Abal ee gobalka baay halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray maleeshiyo daacad u ah roobow, ciidamo katirsan maamulka koofur galbeed oo garab siinayay ciidamada muqtaar oo weerar ku qaaday Ciidamada Al-shabaab.

Shalay duhurkii dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka abl kaasi oo lagu dilay wiil uu dhalay sheikh muqtaar roobow oo lagu magacaabi jirey C/laahi.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here