Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Degaanada Jubbaland ka wada howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.
Degaanada Howlgalka ay ka wadaan ciidamada xoogga dalka ayaa hoos yimaada Gobolada Jubbada Hoose ,jubbada dhaxe iyo gedo.
Sidoo kale ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal lagu baadi goobayo Hogaamiyaha Al-shabaab Ahmed Diiriye ka wada deegaano hoos yimaada gobolka Gado.
Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general cismaaciil Saxardiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiisha sare ee Al-shabaab ay iskaga carareen degaanada jubboyinka
Sidoo kale general Saxardiid waxa uu sheegay Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool.
Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliya S/guuto cismaacil saxardiid ayaa sidoo kale sheegay gobolka gado degaano hoos yimaada uu gaaray Hogaamiyaha al-shabaab Ahmed Diiriye.
Dhawaan deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Gobolka Gedo waxaa gaaray sida la sheegay Hogaamiyaha Al-shabaab Ahmed Diiriye.







