Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in weerar duqeyn ah lagu qaaday Fariisimo Ciidamada Dowlada Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobalkaasi.
Ilo dadka deegaanka ayaa Simba u xaqiijiyay in dowr Madfac ay ka maqlayeen duleedka Baladweyne, balse aysan ka war qabin duqeyntaasi halka sida rasmiga ah loogu weeraray iyo qasaaraha ka dhashay intaba .
Xoogaga Al-shabaab ayaa baraha ay bulshada ku kulanto ku baahisay in duqeyntaasi ay ka danbeeyeen guutada Shabaab u qaabilsan Madaafiicda halkaana ay ku bartilmaameed sadeen Saldhigyo Ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.
sido kale wali Shabaab-ka ayaan sheegin qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, dhanka Ciidamada Jabuuti ama kuwa Maamulka Magaalada Baladweyne iyana kama aysan hadlin Duqeyntaasi.
Xiiriiro Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay Saraakiisha Ciidamada ee Gobalka Hiiraan ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan duqeynta lagu weeraray Ciidamada Jabuuti.
Wararkii ugu danbeeyay ee halkaasi laga helaayo ayaa ku waramaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada Jabuuti ay halkaasi ka wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay duqeymaha lala eegtay Saldhig ciidamada Jabuuti ay ku lahayeen halkaasi.
Al-shabaab ayaa mararka qaar madaafiic ku weerara saldhigyada Ciidamada Hir-shabelle iyo kuwa Ciidamada kala gedisan ee AMISOM gar ahaan kuwa dalalka Jabuuti iyo Itoopiya.

