Maamulka Gobolka Gedo oo Ka Hadlay in Hogaamiyaha Al-shabaab uu Gaaray Gobolkaas

0

Col. Axmed Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in hogaamiyaha Xarakadda Al-shabaab iyo ciidamo la socda in ay gaareen deegaano ka Tirsan Gobolkaaas.

Waxa uu sheegay in wararkaas ay been abuur yihiin islamarkaana aysan jirin shabaab iyo hogaamiyayaashooda oo gaaray deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Gedo.

Sidoo kale Col. Axmed Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in aysan shabaab haysanin Saddex Kun oo Askari,islamarkaana ay yihiin kuwa aad u liita oo aan laheyn awooda ay kula dagaalamaan Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga afrika AMISOM.

Shalay ayaa waxaa soo baxay warar ku aadan in hogaamiyaha Xarakadda Al-shabaab Abuu Cubeyda iyo ciidamo la socda in ay gaareen Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Burwaaqo ee Gobolka Gedo, islamarkaana ay deegaankaas lagu arkay diyaaradaha wax duqeeya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here