Xarakadda Al-shabaab ayaa Degmadda Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe waxa ay kusoo bandhigeen labo askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Maamulka jubba-land balse isku soo dhiibay Al-shabaab.
Shabaab ayaa Magacyadda raggaan ku kala sheegay Isaaq Ibraahim Gurbaaniyo oo ahaa Saad hayihii ciidanka Buulo gaduud,iyo dagaal galiye Xuseen Aadan Ibraahim oo ku magac dheer Miino,waxayna sheegeen in mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen deegaanka Buulo-gaduud ee duleedka magaaladda Kismaayo.
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe soo bandhigayay Saraakiil iyo ciidamo ay sheegeen in ay ka Tirsanaan jireen Maamulka Jubba-land.





