Urur Goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wada-hadalka Maamuladda Galmudug iyo Ahlu suna kadib seminaarkii ugu soo dhammaaday dalka Jabuuti.
War-saxaafadeedka IGAD ayaa lagu sheegay in shirka uu ahaa Siminaar lagu baranayay xalinta khilaafaadka iyo wadahadalka oo loo qabtay Galmudug iyo Ahlu suna, islamarkaana uu maalgeliyey sanduuqa SSF, basle uu qabtay machadka Cligendeal ee dalka Holland.
IGAD ayaa qoraalkeeda ku shaacisay in shirka uu dowladda Soomaaliya u metelay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha C/llaahi Faarax Weheliye, ayna lahayd hogaanka shirka.


