Maamulka KGS oo Ka Hor Yimid Go’aankii Magaca Loogu Badalay Isgoyska Zoobe+Dhageyso

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ka hor yimid go’aankii Maamulka Gobolka Banaadir Magaca ugu badalay isgoyska Zoobe oo labo bil ka hor uu ka dhacay qarax aad u weyn.

Wasiiru dowlaha wazaaradda amniga Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir C/raxmaan Cali oo la hadlay idaacadda simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in go’aankii magaca loogu badalay Isgoyska Zoobe  uu ahaa mid qaldan islamarkaana maamulkooda  aan laga tashanin.

Waxa uu sheegay in Zoobe uu ahaa shaqsi kasoo jeeday deeganada Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya,islaamrakana aysan qaadan doonin in magaca la badalo loona bixiyo isgoyskii 14-kii October.

“Go’aanka uu qaatay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee magaca loogu badalay Isgoyska Zoobe ,waa mid aysan aqbali doonin dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya, Magaca Zoobe waa magac ku weyn dadka reer Koonfur Galbeed Soomaliya”, ayuu yiri Wasiiru dowlaha wazaaradda amniga koonfur Galbeed.

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaliya ayaa magaca ka badalay isgoyska Zoobe ee magaaladda muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 400- oo qof kadib qarax ka dhacay,waxaana loo bixiyay isgoyskii 14-kii October.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here