Ciidamadda XDS oo Al-shaabab Kala Wareegay Goordhaweyd Deegaanka Baladul Amiin

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed oo taageero malatari ka helaya Ciidamada AMISOM in shabaab ay kala wareegeen deegaankaas.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay waa siduu hadalka u dhigee.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada Al-shabaab gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here