Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeer Ugu Tagay Ciidamada Ku Sugan Waajid

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si ay u dhiiri galiyaan Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in ay u kuur galeen xaalada Ciidamadda oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira sidii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada yar ay ku ku sugan yihiin, wuxuuna sheegay in talaabadan ay daba socoto dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale sheegay in sidoo kale ay booqasho ugu tageen Ciidamada ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, wuxuuna sheegay in diyaar garow fiican uu ka muuqdo, isla markaana ay diyaar u yihiin Al shabaab inay ku weeraraan Saldhigyada ay ku sugan yihiin wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ciidamada ay kaga muuqato Wadaniyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in gabi ahaanba dalka ay ka saaraan Al shabaab.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in Howlgaladda Xooggan oo ay wadaan ciidamadda Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay kordhisay baqdinta iyo walwalka ay qabaan Al-shabaab, iyadoo sababtay in maalmihii ugu dambeeyay ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isku soo dhiibayeen Al shabaab halka qaar kale oo badan ay iskaga carareen Koonfurta Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here