Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka Tirsan Xildhibaanada Galmudug ee kasoo horjeeda Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).
Kheyre ayaa Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ka codsaday in Xaalada uu soo farageliyo si loo soo afjaro khiaafka ka dhaxeeya madaxda Sare ee Maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo hogaaminayay xildhibaanada la kulmay raisulwasaare Kheyre ayaa kamid ah shaqsiyaadka kasoo horjeeda Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).





