Wada-hadalka Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo Goordhaweyd Ka Furmay Jabuuti+Sawirro

0

Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti waxaa goordhaweyd ka furmay shirka u dhaxeeya Madaxda maamuladda Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug.

Shirkaan waxaa dhanka Galmudug matalaya Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo shalay isaga,ku-xigeenkiisa, Wasiiro iyo xildhibaano ay gaareen magaaladda Djabuuti ee dalka Jabuuti.

Dhanka Ahlusuna waxaa matalaya shirka Hogaamiyaha Maamulkaas Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan iyo 15-xubnood oo laga soo xulay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Ahlusuna Waljameeca oo shalay iyagana gaaray dalka Jabuuti.

Wada-hadalkaan waxaa garwadeen ka ah Urur Gobolleedka IGAD oo u yeeray Hogaamiyaasha Mamuladda Galmudug iyo Ahlusunna waljameeca.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo wada-hadalkaan waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidii Ahlusunna  wax ugu yeelan laheyd Baarlamaanka,iyo Golaha Wasiiradda Galmudug,Galmudugna ay ugu soo guuri laheyd Magaalada Dhuusamareeb oo Caasimad u ah Galmudug.

Wajiga Kowaad ee Shirka ayaa ka dhacay magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya halkaas oo ay isku soo arkeyn hogaamiyayaasha Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here