Ciidanka Amniga Maamulka Puntland ayaa hawlgal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceelldibir ee Buuraha Cal Madow.
Howlgalkaan ayaa waxay ciidanku ku soo qabteen 4 nin oo lagu tuhmayo in ay katirsanyihiin Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Calmadow Ee Gobolka Sanaag.
Ciidanka ayaa raggaan la qabtay si gaar ah uga shakiyay inay Alshabaab u qaabilsan yihiin ugudbinta sahayda iyo raashinka, kuwaas oo ay sheegeen iney gacanta ku hayaan ciidamada Amaanka Puntland.
Saraakiisha ciidanku ayaa sidoo kale sheegay iney baaritaano ku hayaan ragaasi dibna ay faah faahin buuxdo ka bixin doonaan.
Marar badan ayaa sidaan oo kale Ciidamada Amaanka Puntland waxay deegaanada Maamulkaasi ka sameeeyeen Howlgalo dhan ah Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo ay marar badan kusoo qabteen Rag lagu tuhmayo dagaalyahanada Shabaab.




