Xasan Daahir oo Dhaliilay Qaabka Loola Macaamilo Xarakadda Al-shabaab+Dhageyso

0

Shiikh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Islaam kana mid ahaa Saraakiisha Al-shabaab ayaa fariin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Daahir ayaa sheegay in Farmaajo uu haysto Taageeradda Shacabka Soomaliyeed Dal iyo dibad islamarkaana loo baahan yahay in laga Faaideysto Taageeradaas.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay Arrimaha Xarakadda Al-shabaab,wuxuuna uu dhaliilay qaabka loola Macaamilo Xarakada Al-shabaab.

“Al-shabaab dowladnimo way rabaan laakiin farsamaduna waa ka qaldan tahay hoggaankuna waa ka qariban yahay, tusaale in qof kasta oo bulshada waxtar u leh in la dilo meelna diinta ugama taalo, aduunkana dowladnimo aan dagaal lagu raadin ma jiro waxaana tusaale kaaga filan Goerge Washington iyo Malcom X, taas waxaa kuu dheer in wadaad oo dhan uu xukun rabo tusaale kale waa nimankan Gobollada dhexe jooga ee Ahlu Sunnah la baxay”, ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here