War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda Sarkaal lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu ka arimiyo maamulka Puntland.
Al Shabaab waxay sheegtay in sarkaalkan ladilay uu si gaar ah ula shaqeyn jiray Sirdoonka Dowlada itoopiya, islamarkaana uu kujiray liiska saraakiisha sida aadka ah ay u doon doonayeen Ciidamada Al-shabaab qeybta ka howlgasha Gobalka Mudug.
wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Puntland ee ku adan dilka la sheegay in loo geystay sarkaal katirsan Sirdoonka Maamulkaasi kaa oo lagu magacaabi jiray rooble.

