Wasaaradda Haweenka Puntland oo Ka Hadashay Gabar Lagu Dhibaateeyay Maaaladda Boosaaso

0

Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska  Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay fal tacadi ahaa oo 27-kii bishii aynu soo dhaafnay loogu geystay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari gabadh 17 jir ah.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska  Puntland, Maryan Axmed Cali, ayaa  sheegtay inay gabadhaas wasaaraddu kiiskeeda gacan weyn ka geysatay islamarkaana markii xaaladeeda caafimaad wax looga qaban waayay loosoo diray magaalada Muqdisho, arrinteedana lagu wareejiyay wasaaradda haweenka dowladda federalka Soomaaliya.

“Waxaan idiin sheegaynaa inaan gabadhaas la tacaalnay, isbitaalka geynay, dhaqaatiir uqabanay, markii aan ogaanay in xaalada gabadha aan waxba looga qaban karin Bosaaso, ayaan go’aansanay inaan udiyaarino Muqdisho, waana ku guulaysanay, waxaana nagala wareegay wasiir Deeqo.” ayay tiri wasiirka haweenka Puntland.

Wasiirka haweenka waxay sheegtay inay ciidamada baadi goobayaan ninka falkaan geystay si sharci loo horkeeno,waxay wasiirku aad u cambaareysay warar been abuur ah oo ay saxaafada Magaaladda Muqdisho tabiyeen oo ku saabsan kiiska arrintaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here