Ciidamada howlgalka Midowga Africa Soomaaliya ee AMISOM ayaa bilaabay howlgalo adag oo ka dhan ah dagaalyahanada Al shabaab ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose iyagoo tilmaamay in ay isku furayaan wadooyinka waaweyn ee isku xira Gobalka iyo magaalada muqdisho.
Sida uu sheegay Col. Israel Kaheru Bagenda oo ah sarkaalka 11-aad ee ciidamada dagaalka dhulka oo katirsan ciidamada difaaca dowlada Uganda ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada Qaranka Soomaaleed.
Col Bagenda waxa uu sheegay in ay heleen xog ku saabsan nabad galyo darro dagaalyanada al shabaab ay ku hayaan dagmooyinka afgooye ,balidoogle, ceelasha biyaha iyo deegaanada ku hareeresan ee kala ah Jambalulu, baqdaaad iyo Basra iyo wadadda isku xirta Shabeelooyinka iyo magaalada muqdisho.
“Ujeedka howlgalkan waa sidii xubnaha al shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanadaasi, waxaana sidoo kale ka warqabtaan in AMISOM ay halkan u joogto sidii ay u taageeri laheyd ciidamaada qaranka soomaaliyeed kuwaa oo horay u bilaabay howlgalada” waa sida uu hadalka u dhigay Col. Israel Kaheru Bagenda
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowdalada federalka soomaaliya ayaa howlgalo wadajir ah ka fulinaya qeybo badan oo dalka kamid ah si ay Xarakada Al shabaab uga xureeyaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada muqdisho Robert Kamara ayaa sheegay in howlgalka uu socon doono ilaa Al shabaab ay ka adkaanayaan.

