Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa warbaahinta deeganada Maamulka Somali-land u xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo xubinimadii xisbiga Kulmiye.
Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa ka mid ahaa wasiirada ka soo jeeda gobolka Awdal.

