Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo howlgalo ka sameeyay Degaano Hoos Yimaada Gobolada shabellaha Hoose iyo shabelllaha Dhaxe ayaa la sheegay in howlgalkaas ay ku qabteen ku dhawaad 20 ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Howlgalkaan ayay ciidamada ka fuliyeen Degaanada kala ah Daniga ,Basro,Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo La Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid Qorsheysan ayna Hogaaminayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Mareykan ah.





