Ciidamada Badda Turky-ga oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibayaal Soomaliya ay Ku Jiraan

0

Dowlada turkiga ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 310 tahriibayaal ah kuwaa oo socdaalkoodu ku wajahnaa dalka Greeca iyagoo marayay badda Aegean.

Ciidamada Ilaalida xeebaha turkiga ayaa sheegay in qaxootiga ay gacanta ku dhigeen iyagoo ku safraya dooni kaluumeysi xili ay marayeen xeebaha Dardanelles ee dhaca koofurta dalka turkiga.

Waxaa taliye u hadlay ciidamada ilaalida xeebaha uu warbaahinta u sheegay in rakaabka doonta saarnaa ay ka koobnaayeen 110 syrian ah, 179 pakistaaniyiin ah iyo tahriibayaal kale oo kayimid dalalka soomaaliya, india, sri lanka, afghnaistan iyo muwaadiniin u dhashay dalka Iran.

Dowlada turkiga ayaa  sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadka wax tahriibinayay oo 7 kamid ah ay u dhasheen  dalka turkiga iyo labo muwaadiniin Belarusian ah kuwaa ah oo doonta saanaa.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka dunida ee Marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo(IOM)  ayaa sheegay tan iyo sanadii 2015-kii in kabadan 857,000 oo muhaajiriin ah in ay ka talaabeen dalka turkiga kuwaa oo gaaray wadanka Greeca.

Bishii March sanadii 2016-kii heshiis dhaxmaray midowga yurub iyo turkiga ayaa lagu kala saxiixday in la laga hortago qulqulka soogaloootiga ee ka sootalaabaya dalka turkiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here