Akhriso:-Puntland oo War Kasoo Saartay Duqayntii Ka Dhacday Gobolka Bari

0

Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay duqeyn Diyaaradaha dowladda mareykanka ay ka fuliyeen saldhig Dagaalyahanada Kooxda Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo la hadlay warbaahinta Puntland  ayaa sheegay in duqayntii lagu bartilmaameedsaday Kooxda daacish ay bilow u tahay  howlgal isugu jira cir iyo dhulba ay ka fuliyaan deegaanno kale oo ka tirsan Puntland.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland in duqeyntaas khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada Daacish, dibna laga sheegi doono khasaaraha rasmiga ah.

“Annaga Puntland haddii aan nahay ha ahaadeen Al-shabaab ama Daacish meel walbo ay joogaan dagaal baan ugu taagannahay iyo umadda Soomaaliyeed inaaney dhibaateen, kuwa Muqdisho dadka ku qarxinaya iyo meelaha kale weeye, annagane waxa weeye waligeenba waan la dagaallameennay hadane Puntland wey la dagaallameysaa haddii ay diyaarado tahay iyo haddii ciidanba tahay waa lagula dagaallamayaa”, ayuu yiri  wasiirka warfaafinta Puntland

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay laba jeer duqeeyeen saldhiga kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Duqeyntaas ayaa la aaminsan in lagu bartilaameedsaday Hogaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaliya Cabdulqaadir Muumim.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here