Faah-Faahin dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde ee gobolka Bakool.
Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Koofur Galbeeed oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde ayaa waxaa Wadada u galay Ciidamo katirsan kuwa Xarakada Al-shabaab, waxaana Halkaasi ka dhacay Dagaal Xoogan Oo laba dhinac Qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray.
Xiriiro ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho la sameysay dadka deegaanka ayaa u sheegay in Dagaalkaasi uu jiro la iskuna adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan. Balse aysan Xaqiiji Karin qasaaraha rasmiga ee dhinacyadii halkaa ku dagaalamay soo kala gaaray.
Xarakada Al-shabaab ayaa baraha ay bulshada ku kulanto waxa ay ku baahiyeen in dagaalkaasi ay ka danbeeyeen Ciidamadooda, halkaasina ay ku dileen ugu yaraan afar askari oo katirsanaa Ciidamada Maamulka koofur galbeed ,halka ay sheegeen iney ku gubeen gaari kuwa loo yaqaan Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ee la kulmay Weerarka Daba galka ahaa.
Wali Maamul Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaliya kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Bakool, balse waxaa halkaasi dhowr jeer oo hore ka dhacay Dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Dowlada Ithoopiya iyo kuwa Xarakada AL-shabaab ee ka Dagaalama Gobalkaasi.

