Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Madaxda Maamulka Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya ku qaabilay madaxda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa kulanka kowaad la qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) wuxuuna kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka xiligaan jira.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulanka labaad la qaatay gudoomiyaha baarlamanka maamulkaas Cali Gacal Casir,madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Galmudug maalin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaliya ay diyaar u tahay xalinta khilaafka madaxda Galmudug, islamarkaana aysan waxba ka jiran hadal heynta ku aadan in dowladda dhexe ay burburinayso Maamulka Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here