Banaan-baxyo Ka Socda Magaaladda Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ee gobolka bari ayaa ku waramaya in banaan-baxyo ay ka socdaan gudaha magaaladaas.

Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa ka cabanaya xirnaanshaha Dekadda Magaaladda Boosaaso oo muddo toddobaad ah aanan wax shaqo ah ka socon, iyadoo ay isku dhaceen maamulka shirkadda imaaraadka ee la wareegtay Dekadda iyo ganacsatada isticmaasha.

Sidoo kale rasaas ay rideen Ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah dadkii banaan-baxa dhigayay.

Banaan-baxa ka socda magaaladda boosaaso ayaa saameyn ku yeeshay ganacsigii magaaladaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here