Hey’adaha ammaanka Dowladda Soomaliya ayaa sameeyay taleefan dadka kala soo xiriiri karaan, marka ay jiraan xaaladaha deg dega ah.
Wasiiradda Warfaafinta iyo Arrimaha Amniga Gudaha Eng. C/raxmaan Yariisow iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa barahooda Facebook ku soo qoray taleefan lagala xiriiro karo hey’adaha ammaanka, kaasoo nambarkiisu yahay 991.
“Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha degdegga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan: WAC 991″ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee wasiirka Amniga.
Taleefankan nambar ee 991 ayaa waxaa la soo bandhigay bishii September ee sanadkii 2016, iyadoo xilligaas hey’adaha amniga ay ku sheegeen in lagala soo xiriiri karo, marka khatar amni iyo xaalado kale la arko.

