Turky-ga oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

War laga soo saaray Safaaradda Dowladda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay qaraxii xooganaa ee shalay galab ka dhacay  Magaaladda Muqdisho kaasi oo laayay dad shacab ahaa.

Dowladda Turky-ga ayaa Tacsi u dirtay Eheladda dadkii ku dhintay qaraxaas,waxayna Caafimaad u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay in ay garabtaagan tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ka caawineyso sidii looga adkaan lahaa waxa loogu yeero argagixisada.

Sidoo kale warka kasoo baxay Dowladda turkey-ga ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somaliya ay horumar fiican ka sameysay amniga iyo xasiloonida bilihii la soo dhaafay,islamarkaan horumar dhinac dowladnimada ah ay gaartay Soomaaliya.

In ka badan 40-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay 160-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari xamuul siday uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here