Xafiiska Tayo dhowrka ee Baarista Badecadaha soo gala Deegaanada Puntland ayaa kusoo bandhigay Dekadda Magaalada Boosaaso Raashin Waqtigoodii dhaafay oo loogu tala galay in ay Cunaan Xooluhu.
Badeecadda Dhacday ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay ay uu leeyahay Kampany caan ka ah deeganada Maamulka Puntland.
Raashinkan Waqtigoodu dhaafay ay qabatay Xarunta tayo dhowrka ayaa dhacsanaa mudo ku dhow 8 Bilood waxaa sido kale baritaan lagu sameyay lagu ogaday Ceeshkan inaysan Xoolohu Cuni karin ayna ku waxyelowayaan.
Dekadda Boosaaso oo lagu soo bandhigay Raashinkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha qaybta Gobalka Bari Maamulka Gobalka Madaxda Xarunta Tayo Dhowrka, inkastoo goobta iyo Masuuliyiin kale.
Salaad Maxamuud Aadan oo ka mida Madaxda ugu Sareysa Xarunta Tayo Dhowrka oo ugu horan ka hadlay goobta waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Raashinkan u qabteen iyo baritaanke mariyeen.
Dhanka kale Taliyaha Qaybta Gobalka Bari Cabdixakiin Xussen Yuusuf Ayaa Digniin U Diray Ganacsatada Keensata Badecadaha Waqtigoodu Dhaafeen waxana uu sheegay in shrciga lala tiigsan doono cid kasta oo ku hawlan soo galinta raashinka dhaca Puntland.
Gudomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud Waxa Uu Shegay Inay Ka Hortagayaan Dadka Raba Inay Dalka Soo Galiyaan Badeecad Waqtgeedu Dhaaftay.










