Puntland oo Ka Hadashay Weerar Al-shabaab ay Ku Qaadeen Magaaladda Boosaaso

0

Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen kontorool ku yaala duleedka Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Kontaroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, wuxuuna sheegay in Puntland ay wado baaritaano, ka dibna ay shaacin doonto sida wax u dhaceen baarista ka dib.

”Horta cadowgu inuu khasaaro geysto oo uu dad laayo waa hadafkiisa, ujeedadiisu waa inuu shacabka Argagax galiyo, annaguna waa innaan Argagaxaa ka digtoonaano, reer Puntland Cadow badan ayay leeyihiin oo Habeen iyo maalin u taagan ina shacabkeena waxyeelaan”Ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkaas markuu dhacayay ay ciidamada ku mashquulsanaayeen sugida amniga iyo baaritaano lagu hayay gawaarida.

Axmed Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay in dhacdooyinka caynkana ah ay dhacayaan, ayna kala mid yihiin dhacdooyinka ka dhaca caalamka.

Dadweynaha reer Puntland ayaa Wasiirku uu ugu baaqay inay gacan ka geystaan arrimaha amaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here