Wasaaradda Warfaafinta Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ka hortimid amar lagu caburinayay Saxaafadda Deegaanada Maamulkaas oo kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug.
Qoraal uu soo saaray wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug C/raxman Jaamac Afrax ayaa lagu sheegay in wasaaradda aysan marnaba aqbali doonin caburinta Saxaafadda Galmudug.
Wasaaradda Waxa ay difaacdey Dastuurka Galmudug oo Diidaya in la Caburiyo Warbaahinta madaxa Banaan.
Qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug oo uu ku saxiixnaa agaasimaha Madaxtooyadda Maamulkaas Maxamed Cabdi Feynuus ayaa lagu sheegay in Saxaafadda aysan tabin karin wararka lidiga ku ah amniga Galmudug.


