Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay go’aankii shalay galinkii dambe kasoo baxay Gudoomiyaha Maxakmadda Sare ee Maamulka Galmudug ee uu ku sheegay in xilalkii laga qaaday Madaxda maamulkaas.
Fiqi ayaa sheegay in Dr Yaxye Shiikh Cali Maxamed uu horaan iska casilay xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug islamarkaana qorshaha uu dhawaaqay laga abaabulay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobolka banaadir.


