Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qaraxa Miino uu ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabellaha hoose.
Dadka Deegaanka oo hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu aasay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed islamarkaana la qarxiyay xili ay halkaas ku sugnaayeen.
Dhanka kale wararka ka imaanaya isla deegaanka Bariire ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda ay toogasho ku dileen qof shacab ahaa,waxaana la sheegay in qofka la dilay ay ciidamadu howlgal ku soo qabteen,iyadoo goobjoogeyaashu ay sheegeen in ciidamadu ay dileen qofkaasi ka dib markii uu isku dayay inuu ciidamada ka baxsado.
Degaanka bariire ee Gobolka Shabellaha hoose waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jiray xiisad u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Xarakada Al-shabaab.

