Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan barnaamijka cuntada ee WFP ayaa sheegtay in 30% ay dhimeyso deeqda ay siin jirtay 400,000 oo qaxooti ah kuwaa oo ku nool xirooyinka barakayaasha ah ee dalkaasi Kenya.
Xirooyinka Dhadaab Iyo Kakuma ayaa hoy u ah qaxooti kayimid dalalka soomaaliya iyo koofurta Sudan kuwaa oo ka soo baxsaday dagaalo wadankooda kajira iyo xaalado abaaro ah oo dalalkan saameyn xoogan ku yeeshay.
Barnamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 28.5 million oo dollar si lixda bil ee soo socota wax loogu qabto qaxooti ka badan 420,000 oo ku nool xirooyinka barakacayaasha.
WFP ayaa ugu deeqday sanadkaan qaxootiga Kenya lacago kaash ah iyo cunooyin kuwaa oo ah deeqo ka yimid dalalka Canada, China, mareykanka iyo dalal kale oo dhaca qaarada Yurub.

