Roob da’ay:-“Galmudug Waxay Ku Sigatay in La Dumiyo”,+Dhageyso

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu ka badbaaday afgami laga soo abuubulay Madaxtooyadda Soomaliya oo la doonayay in lagu dumiyo Maamulka.

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax Roob da’ay oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay  Galmudug ay ku sigtay in la dumiyo balse iyadoo kaashanaysa bulshadeeda ay iska difaacday .

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka galmudug C/llaahi Xaashi Faarax Roob da’ay ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay in madaxweynaha Maamulkaas uu Xaaladda deg deg aheyd ugu soo rogay deeganada Maamulkaas iyo xayiraad la saaray diyaaradihii tagi jireyu Magaaladda Cadaado.

Magaaladda Cadaado ayaa waxaa todobaayadii ugu dambeeyay ka jirey jahwareer dhanka siyasadda ah, Xildhibano kala taageersan Madaxda Maamulkaas ayaa ku dhaqaaqay xil ka qaadis inkastoo ay xaaladda ah haatan tahay mid aad u dagan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here