Dowladda Soomaliya oo Qorshaynaysa in Xilka Laga Tuuro Madaxweyne Shariif Xasan

0

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in Dowladda Federaalka ah ay waddo dhaq dhaqaaq xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas looga horkeenayo Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aaden.

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay  in Saraakiil Madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan ay magaaladda Muqdisho kulamo kula qaateen Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed, ayna wadaan dhaq dhaqaaq diyaarinta mooshin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shiikhuna Maye oo fasax reerkiisa kula joogay Sweden ayaa loo yeeray si uu Baydhabo dhakhso u tago, waxaana uu xalay ku hoyday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aaden oo Imaaraadka ku sugnaa ayuu qorshuhu yahay in uu beri Nairobi yimaado  isagoo kusoo jeeda Baydhabo.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed waa 149-xildhibaan oo aan iyagu dooran Madaxweyne Shariif Xasan, Madaxweyne Shariif waxaa doortay 373 ergo ah oo ka mid ahaa 396 ergadii lagu dhisay maamulka, kadib isaga ayaa Madaxweyne Shariif Xasan sameeyay Baarlamanka.

Maamulkiisu maleh Madaxweyne ku xigeen, Waxaa Jooga Guddoomiye Baarlamaan oo ku siyaasad ah Madaxweyne Shariif Xasan iyo Wasiiro ay xubno ka yihiin dhamaan ragii uu kala dhexeeyay tartanka hogaaminta Goboladaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here