Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo ka mid ahaa Xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka Soomaliya oo maalmhihii dambe waan weyn u joogay Magaaladda Cadaado ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay.
Abshir Bukhaari ayaa sheegay in ay ku guuleysteen intii ay Cadaado joogeen sida dejinta xaaladda amni iyo in ay kala qaadeen maleeshiyo beeleedyadii magaalada Joogay, waxaa kale uu ka warbixiyay kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhaqanka isaga oo intaasi raaciyay in ay ka soo baxeen is-faham iyo in khilaafaadka la xaliyo, go’aanno masiiri ahna laga qaato danaha Galmudug.
Sidoo kale Abshir Bukhaari ayaa seegay in ay ku guuleysteen in ay isku keenaan Madaxda maamulka Galmudug, laakin aaney dhameystirmin.
Dhanka kale Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) waxaa soo hadal qaaday in Federalism-ka aanu aheyn in ciddii xanaaqdaba ay sameyso wixii ay rabto, isla markaana wax walbo lagu xaliyo qaab dastuuri ah.

