Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelan doona xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa xildhibaanada waxaa hortagi doona Seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirada ayaa xildhibaanada u aqrin doono hindise sharciyeedyo la doonayo inay ansixiyaan marka ay dood ka yeeshaan kadib.
Wasiirada maanta hortagayo xildhibaanada golaha shacabka ayaa kala ah wasiirka caafimadka, Cadaaladda iyo warfaafinta.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka
Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa.
Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa wasiiradaan ku wargaliyay in ay hor yimaadaan Baarlamanka Soomaliya si su’aalo loo weydiiyo.

