Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Mudane Maxmad Cabdi Waare ayaa ku wajahan magaaloyinka Jala-laqsi iyo buula burde ee Goboka hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa xusay in haatan ay go’doon ku jiraan degmooyinka Jala-laqsi iyo buulaburde islamarkaana uu doonayo in uu tuso indhaha caalamaka xaaladda bini aadanimo ee ka jirta labadaasi magaalo.
Waxaana uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in gurmad biniadanimo lala gaaro shacabka go’doonsan ee ku nool jalaalqsi iyo buula burde.
Madaxwenha cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan ku guulestey hogaaminta maamulka Hirshabele waxaana todobadkii aynu soo dhaafnay tagay magaalada baladwene ee xarunta Gobolka Hiiraan isagoona maanta mar kale ku wajahan magaaloyinka jalalaqsi iyo buulaburde oo mudo sanado ah u go’doonsan dagaalyahanada Xarakada Al- shabaab.

