Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle State Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Xubno matalaya Magaalada Buulo-burte, Waxgaradka,Ganacsatada, Odoyaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti oo qeyb ka ah Amisom.
Madaxweynaha ayaa hadda kulan la leh Shacabka Degmada Buulo-burte,waxa uuna kala hadlayaa sidii isbadal loogu sameynlahaa Maamulka Degmada oo muran ka taagnaa Gudoomiye loo magacaabay dhawaan.
Safarkaan ayaa ujeedadiisa yahay turxaan bixinta Nidaamka Awoodqeybsiga maamulka Hirshabeelle iyo sidii loo qaadan lahaa talooyinka Waxgaradka iyada oo laga fogaanayo Isfahan daro soo dhexgasha Bulshada.

