Wararka ka imaanaya Gobolka mudug ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug in uu haatan ka soconayo Bariga Gobolkaas.
Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Godad ee Gobolkaasi Mudug.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamaya.
Deegaanka Godad oo ku dhow deegaanka Jeexdin ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal la xiriira dhanka aanooyinka qabiilka, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay.
Wixii kusoo kordha warkaan kala soco Simbanews.com

