Puntland oo Fashilisay Qarax Ka Dhici Lahaa Magaaladda Boosaaso

0

Ciidamada amaanka Maamulka  Puntland, ayaa fashiliyay qarax miino oo la galiyay mid ka mid Waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dadweynaha oo ogaaday qaraxa, ayaa ku wargaliyay ciidamada, kuwaas oo markii ay goobta gaareen kadib qarxiyay qaraxa.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdi Xakiin Xuseen Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay yihiin manaxayaal doonaya in ay dadweynaha waxyeeleen, wuxuuna bulshada ku dhaqan Boosaaso ku amaanay sida ay Puntland ula shaqaynayaan.

”Al-shabaab ayaa shacabka u maleegay qarax, waxay qarax galiyeen meel aysan dawladmas’uul  iyo Hay’addo dagnayn oo dad shacab dagan yihiin, waxaa arrintaa nagu soo wargaliyay dadweynaha, ciidanka ayaa tagay oo qarxiyay, mana jirto cid ku waxyeelowday,waxaa dhinac wax ka gaareen gurigii uu hoos yaalay” Ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari.

Cabdi Xakiin Xusseen Yuusuf ayaa Ciidamada amniga Puntland ku amaanay sida ay ugu adeegayaan dadweynahooda, ayna markasta uga hortaagan yihiin Al-Shabaab.

Magaaladda boosaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay qaraxyo iyo dilal ay geysanayaan dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here