Muwaadiniin u dhashay dalka Burundi kuwaa oo tiradooda lagu sheegay afar qofood ayaa Dagmada Isiolo ee dhacda bariga dalka Kenya waxaa ku qabtay ciidamada dalkaasi kuwaa oo ku soo wajahnaa gudaha dalka soomaaliya si ay ugu biiraan dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.
Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa sheegay in raggan ay ka soo safreen caasimadda Bujumbura iyagoo u soo gaaray magaalada Nairobi dalxiis ahaan kadibna waxa ay safar u soo galeen magaalada Mandera iyagoo soo maray Dagmada Isiolo si ay ugu soo talaabaan Soomaaliya.
Laamaha amaanka dowlada Kenya oo joojiyay bus-ka ay saarnaayeen xili ay marayeen bar-control ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Raggan u dhashay dalka Burundi oo sheegay in ay ku wajahayihiin Soomaaliya si Al shabaab ay ugu mid noqdaan.
Magacyada afartan qofood ayaa lagu kala sheegay Ntakarutimana Benerd, 41, Niyongere Yusuf, 32, Nshimirimana Fulgnce Shadady, 31 and Bizoza Abderauf, 20.
Ciidamada police-ka ee sameeyay howlgalkan lagu soo qabqabtay raggan kenyaatiga ah ayaa sheegay in ay heleen warar sirdoon oo ku saabsan ujeedka safarka 4 muwaadin ee u dhashay dalka Burundi oo qaarkood jahawareersanaa.
Bishii June ee sanadkan sidaaaan oo kale 5 dhalinyaro kenyaati ah ayaa isla goobtan lagu qabtay kuwaa oo soomaaliya u soo socdaalayay iyagoo doonaya in ay ku biiraan dagaalyahanada Xarakada Al shaabab ee fadhigoodu yahay dalka.

