Ciidamada Kenya oo Qarax Lagula Eegtay Jaziirada Lamu.

0

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada dowlada Kenya ayaa ku dhintay halka Lix kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen kaa oo ku safrayay inta u dhaxeysa magaalada  Mararani iyo jaziirada Lamu.

Qaraxa  ayaa la rumeysan yahay in ay dhulka ku aaseen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaa oo ku talaalay inta u dhaxeeysa wadooyinka isku xira deegaanada Sankuri iyo Mararani oo dhaca bariga jaziirada Lamu.

Xiliga weerarkan lala beegsanayay ciidamada Kenya ayaa ku wajahnaa goob ay shidaal ka soo qaataan waxaana gaariga saarnaa 12 katirsan ciidamada dowlada Kenya.

Madax ciidamada police-ka gobalka xeebta ee dalka Kenya Larry Kieng ayaa waxa uu sheegay in markii uu dhacay qaraxa la waayay 2 kamid ah ciidamada Kenya balse waqti dambe la helay iyagoo dhaawacan kuwaa oo xaaladoodu lagu dabiibayo xarun caafimaad oo dhacda isla jaziirada Lamu oo Xarakala Al shabaab weeraro xoogan ay ku qaadaan.

Weerarka ayaa ku soo beegmaya xili walaac xoogan laga qabay dagaalyanada Xarakada Al-shaabab ee isku qarinaya keymaha Boni ee dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale madaxa ciidamada police-ka gobalka uu shaqada ka joojiyay dhowr saraakil oo katirsan police-ka Kenya waxaana uu ku eedeeyay in shaqadooda ay ka hurdayaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here