Degmada Balad-Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa saakay waxaa waaga ugu baryey jawi ka duwan midkii hore kadib markii dagaalahanada Al-shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilowday Qarax ismiidaamin dabadeedna dagaal fool ka fool ah oo muddo dhexmaraayey dagaalyanada weerarka soo qaadey ee Alshabaab iyo kuwa dowladda ee degmadasi gacanta ku hayey.
Dagaalkaasi ayaa dabadeed dagaalyahanada Al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi, iyadoo ciidanka dowladana ay iskaga baxeyn degmadaasi, waxaana lasoo warinaayaa in dagaalyahanada Alshabaab ay muddo saacado ah gacanta ku haayeen degmadaasi.
Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa si iskood ah isaga baxay degmadaasi sida uu inoo xaqiijiyey mid kamid ah dadka deegaanka, waxa uuna inoo sheegey in dagaalkaasi uu sababay qasaaro isugu jro dhimasho iyo dhaawac,waloow aan weli la xaqiijin qasaaraha rasmiga ah ee dagalkaasi ka dhashay.
Dagaalyanada Al-shabaab ayaa dhawaanahaani waxaa sii kordhayey dagaalada ay ku qaadayaan deegaanada ciidamada dowladda gacanta ku haayaan

